Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu horaanta toddobaadka soo socda safar rasmi ah ku tago magaalada Laascaanood, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Laascaanood ay martigelinayso munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ay horey uga qeybgalayaan xubno sare oo ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka.

Masuuliyiinta dowladda ayaa tilmaamaya in booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ay muujinayso taageerada buuxda ee Dowladda Federaalka u hayso maamulka SSC-Khaatumo, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo midnimada, xasiloonida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, booqashadan ayaa imaaneysa kadib markii uu burburay wadahadal hore oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay ugu sheegay qaar ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland inuu muddo dheer ka gaabsanayay tagista Laascaanood, isaga oo rajeynayay inuu qanciyo hoggaanka Somaliland, gaar ahaan Cabdiraxmaan Cirro, balse dadaalladaas ay miro dhal waayeen.

Xiriirka labada dhinac ayaa sii xumaaday kadib markii Somaliland ay bilowday tallaabooyin ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah, oo ay ku jirto xiriir lala sameeyay Israa’iil, taas oo keentay burbur ku yimid iskaashi hore, sida guddiyadii ka shaqeynayay is-dhaafsiga maxaabiista.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Laascaanood ayaa loo arkaa mid xambaarsan farriimo siyaasadeed iyo kuwo qaran, iyadoo si weyn isha loogu hayo natiijooyinka ka soo baxa safarkan.

#Laascaanood #SSC #SSC_Khaatumo #XasanSheekh #Somalia #SomaliPolitics #MidnimoQaran #FederalGovernment #Somaliland #HornOfAfrica

Comments

Popular posts from this blog

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation