Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

 


Hordhac:

Degmada Buurhakaba waa magaalo leh taariikh qoto dheer oo ku qasbaysa qof kasta inuu dib u milicsado marxaladihii ay soo martay. Taariikhdaas ma aha oo keliya xusuus hore, balse waa cashar nool oo ka tarjumaya waaqaca maanta jira. Nasiib darro, marar badan lagama baran wixii dhacay, xitaa waxaa dhici karta in si fudud loo iloobo.

Maahmaahda uu yiri Malaaq Guudaw: (Aawkaa dhimedii dhegtoo wu, Aawka wal dhedhaansedaayine dheg xumo wu) waxay xambaarsan tahay digniin ah in haddii aan la maqal casharka taariikhda, qaladku soo noqnoqonayo, iyo in aan gumeysi laqaadan karin.

Buurhakaba iyo Dagaalladii 1991–1992:

Dagaalladii sokeeye ee billowday 1991, Buurhakaba waxay ahayd mid ka mid ah goobihii ugu dambeeyey ee lagu dagaallamo kahor inta aysan qabsan ciidankii dowladdii Mohamed Siad Barre ee soo roggaal celiyey Magaalada, waxaa hormuud ka ahaa dadkii deegaanka oo door muuqda ka qaatay ka hortagga burburka iyo xoreynta aagga.

Jaaliyadda reer Buurhakaba ee ku noolaa Sacuudiga ayaa kaalmo dhaqaale u fidiyey dib u dejinta dadkii ka barakacay gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose. Lacago la uruuriyey ayaa lagu kireeyey gaadiid lagu soo daad-gureeyo qoysaskii barakacay, taasoo muujinaysa isku-duubni bulsho iyo masuuliyad wadajir ah.

Xoreyntii iyo Marxaladdii SDM:

Kadib burburkii dowladdii dhexe, iyo xoreyntii aagga waxaa jiray ciidan haraadi ah oo ka haray ciidamadii xoreynta gobolka kuwaas oo saldhig ka dhigtay Baydhabo iyo Buurhakaba. Kooxahaas oo isugu jiray beelo kala duwan ayaa loo bixiyey ciidankii “Dudublaha” kuwaasoo isku badelay burcad.

Reer Buurhakaba waxay hormuud ka noqdeen dadaalladii lagu xoreynayey kooxahaas, si loo soo celiyo amniga deegaanka. Xilligaas waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka mid ahayd ururkii SDM, urur kaasoo oo hoggaamiye Ka ahaa Korneel Maxamed Nuur Caliyow.

Isbahaysiyo, Colaado iyo RRA:

Marxaladihii xigay, dagaallo gardarro ah oo lagu qaaday Buurhakaba ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh. Taasi waxay dhalisay in deegaanka uu ku biiro isbahaysiyo siyaasadeed, oo ay ka mid ahayd dowladdii Salbalaar, taasoo saameyn ku yeelatay gobollada Bay iyo Bakool lana wareegtey gacan ku heynta goboladaas bartamihii 1995.

Kadib waxaa la aas-aasay ururka Rahanweyn Resistance Army (RRA), kaasoo shansano kadib la wareegay gacan ku heynta goboladda Bay iyo Bakool iyagoo markaas gacan ka helayey dawladda Ethiopia oo baacsaneysay ciidamo maleeshiyaad Oromo ah oo Baydhabo joogay kuna garab dagaalamayey ciidankii Huseen Ceydiid June 6 1999.

khilaafaad gudaha ah oo ka dhex qarxay hoggaanka RRA ayaa sababay kala jab iyo colaado hor leh.

Mar kale, Buurhakaba waxay noqotay meel martigelisa (Hariin) oo lasoo barakiciyey, iyadoo bulshada reer Buurhakaba lagu amray inay hoy iyo cunto si tabaruc ah u bixiyaan, arrin muujinaysa dulqaad iyo damqasho bulsho.

Buurhakaba Maanta iyo Maamulka Koonfur Galbeed:

Maanta, Buurhakaba waxay wajahaysaa duruufo u eg kuwii hore: cabashooyin la xiriira maamulka, siyaasadda iyo saamiga awood qaybsiga. Dad badan waxay dareensan yihiin in maamulka Koonfur Galbeed State uusan si dhab ah uga jawaabin baahiyaha degmada, isla markaana hadallo, handadaado iyo cadaadis siyaasadeed ay noqdeen wax iska caadi ah.

Taariikhdu waxay ina tusaysaa in cadaalad-darro iyo iska indha-tir bulsho ay horseedi karto kala fogaansho iyo xasillooni darro.

Casharka Taariikhda:

Buurhakaba ma aha degmo yar oo la iska indho tiri karo. Waa degmo leh fac iyo taariikh dheer, laguna xusuusto kaalintii ay ku lahayd iska-caabbinta iyo difaaca deegaankeeda tan iyo waqtiyo hore, xitaa xilligii saldanadihii Geedda Abaabow oo la sheegay in ay gumeysi ahaayeen.

Bulshada reer Buurhakaba waxaa lagu yaqaannaa samir, dulqaad iyo adkaysi. Laakiin sidoo kale waa bulsho aan si fudud uga tanaasulin xaqooda.

Gunaanad: Ka Guur Caqli Qabiil una Guur Caqli Dowladeed:

Ugu dambeyn, fariinta ugu weyn waa tan:

■Caqli qabiil laguma dhiso dowlad.

■ Qoys iyo qabiil midna ma noqdaan tiir dowladeed.

■Dowladnimadu waxay ku dhisan tahay sinaan, wadajir iyo sharci.

Maamulka Koonfur Galbeed waxaa la gudboon inay si xeel dheer uga fiirsadaan xaaladda Buurhakaba, una wajahaan si dowladnimo iyo wada-tashi ku dhisan, ka hor inta aysan arrimuhu meel aan laga soo noqon karin gaarin.

Taariikhdu waa digniin.

Haddii aan wax laga baran, way soo baxay 

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation