Dowladda Soomaaliya oo maanta Dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin laga soo daayay xabsiyada dalka Libya.
Diyaaradda sidday muwaadiniinta la soo celiyay ayaa Muqdisho keentay 151 qof oo dhalinyaro u badan, waxaana si weyn garoonka Aadan Cadde ugu soo dhoweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS, masuuliyiin ka socota Xafiiska Ergeyga Gaarka ah Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soocelinta Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta, Hay'adda Qaxootiga iyo Baracayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Ergayga Gaarka ah Midowga Yurub iyo Hay'adda IOM oo Dowladda ka gacan siisay soo celinta muwaadiniintaan.
22 ka mid ah dadka maanta lagu soo celiyey dalka ayaa laga dejiyey magaalada Hargeysa, iyadoo 151 kalena laga soo dejiyey Muqdisho, dhallinyaradaan oo warbaahinta la hadashay ayaa muujisay, sida ay ugu faraxsan yihiin inay dalkooda Hooyo dib ugu soo laabtaan, iyagoo dowladda uga mahadceliyey inay ka soo saartay xabsiyadii Libya ee dhibaatooyinka nololeed ay ku heysteen.
#Somalia #Muwaadiniin #Libya #IOM #SooCelintaMuhaajiriinta
Comments
Post a Comment