Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu horaanta toddobaadka soo socda safar rasmi ah ku tago magaalada Laascaanood, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka. Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Laascaanood ay martigelinayso munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ay horey uga qeybgalayaan xubno sare oo ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka. Masuuliyiinta dowladda ayaa tilmaamaya in booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ay muujinayso taageerada buuxda ee Dowladda Federaalka u hayso maamulka SSC-Khaatumo, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo midnimada, xasiloonida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dhanka kale, booqashadan ayaa imaaneysa kadib markii uu burburay wadahadal hore oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay ugu sheegay qaar...
Comments
Post a Comment