Tucker Carlson oo si kulul u dhaliilay Netanyahu
Saxafiga Mareykanka ah ee caanka ah Tucker Carlson, oo sannad ka hor ka mid ahaa dadka si weyn u taageeray Israa’iil, ayaa beddelay mowqifkiisa. Carlson ayaa ku tilmaamay Benjamin Netanyahu inuu yahay beenlow adeegsada taariikh aan jirin, isagoo sheegay in dowladdiisu aysan ahayn faracii reer Banii Israa’iil ee lagu xusay kitaabka, balse ay yihiin muhaajiriin isku soo daray.
Carlson waxa kale oo uu sheegay in Netanyahu uu ku cabsi geliyo shacabka inuu yahay qofka maamula Mareykanka iyo madaxweynihii hore Trump, isla markaana aysan ku dhiiran karin inay ka hor yimaadaan go’aamadiisa.
Hadalka Tucker ayaa caro xooggan ku abuuray Netanyahu, oo warbaahinta hor yimid kuna adkaystay inuu yahay Yuhuud dhab ah iyo faracii reer Banii Israa’iil
#TuckerCarlson #Netanyahu #Israel #Palestine #MiddleEast #Politics #BreakingNews #WorldNews
Comments
Post a Comment