Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Danjire James Swan oo ka wada hadlay amniga iyo iskaashiga






Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi Sheikh Ismail - Fartaag, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.


Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya hey’adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Amniga, gaar ahaan horumarka laga sameeyey amniga caasimadda, tababarrada ciidanka daraawiishta, dardargelinta wajiga labaad ee barnaamijka JPP iyo ka hor-tagga askareynta carruurta.


Wasiirka Amniga Gudaha Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa uga mahadceliyey danjiraha taageerada kala duwan ee ay siiyaan hey’adaha amniga dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga, si loo gaaro horumar wax ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo guulaha la gaaray.


Dhankiisa, Danjire Swan, ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hey’adaha amniga dalka, gaar ahaan arrimaha mudnaanta weyn leh, sida amniga caasimadda iyo xaqiijinta barnaamijyada lagu taageerayo hey’adaha hey’adaha amniga Soomaaliya.

 #Somalia #Security #UN #Peace #Mogadishu #Daraawiishta


Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation