Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24-ka October, 2025

 Warbixinta Toddobaadlaha ee 

Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24-ka October, 2025







1- Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan la yeeshay xubnaha cusub ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan.

3- Ra’iisul Wasaare  Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber,iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, taageerada amniga, iyo horumarka  siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

4- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa  khudbad ka jeediyay Shirka 5-aad ee  Nabadda iyo Horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka  Masar,isagoo  sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, kana gudubtay caqabadihii hore u jiray.

5- Ra’iisul  Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane  Saalax Axmed Jaamac ayaa  kormeer ku   tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska , isagoo  bogaadiyeey kaalinta warbaahinta qaranka ee uga aaddan la dagaalanka  afkaarta xag-jirnimada  ,wararka been abuurka iyi wacyegelinta bulshada soomaaliyeed.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane   Saalax Axmed Jaamac ayaa  kormeeray Wasaaradaha Shaqada, Xanaanada iyo  Xoolaha, Batroolka iyo Gudiga Shaqaalaha Rayidka , isagoo u kuurgalay shaqooyinka ay u hayaan bulshada soomaliyeed.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya, oo looga hadlayey Doorka Bulshada ee la Tacaalidda Masiibooyinka iyo Isbeddelka Cimilada.

9- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo cod, ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.

10- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka  Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galay furitaanka Kalfadhiga 151-aad ee Shirweynaha Baarlamaanka Aduunka (IPU).

11- Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaalada Nairobi ee dalka kenya  uga furay aqoon isweydaarsi laamaha cadaaladda, kaas oo ku saabsan dib-u-habeynta nidaamka cadaaladda dalka.

12- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige  ayaa  shir-guddoomiya kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika  oo ka dhacay magaalada Washington.

13- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada   Mudane Yuusuf Maxamed  ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Prof. Dr. Vedat Işikhan, Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi  ayaa aqoon isweydaarsi  u furay howlwadeenada waaxyaha warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Federaalka,  oo diiradda lagu saaray  mideynta farrimaha dowladda xilliyada lagu jiro xaaladaha deg-degga.

15- Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha  Maxamuud Axmed Aadan oo ka qeybgalay  Shirweynaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Turkiga iyo Afrika  ayaa kulan la la qaatay wasiirka Ganacsiga Turkiga ,Prof. Ömer Bolat.

16- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray Dalka Jabuuti, isagoo martiqaad ka helay  Wasiirka Diinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Jabuuti, Mudane Muumin Xasan Barre.

17- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa shir guddoomiyeey   shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ,oo diirradda lagu saaray wadashaqaynta hay’adaha amniga ee xudduudaha,samaynta istaraatiijiyadda maareynta iyo kontoroolka xudduudaha ee isku-dhafan.

18- Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda iyo Midowda Yurub ee EUCAP ayaa kala saxiixday iskaashi  rasmi ah   oo ku sabsan qalabeynta xarunta Samatabixinta Dhibanaayasha Badda ee MRCC   iyo mashaariicda lagu  xoojinayo horumarinta Dekedda magaalada Muqdisho.

19- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta   Cilmi Maxamuud Nuur  ayaa  qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dawladda Vietnam, oo  booqosho ku yimid dalka .

20- Wasiiru Dowlaha Beeraha iyo Waraabka  Asad Abdirasaq Maxamed  ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qayb galay shirka 8-aad ee Toddobaadka Biyaha Qaahira kaas oo looga hadlay ka hortagga biyo yaridda  iyo  isbeddelka cimilada .

21- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa  booqasho shaqo ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose,oo dhawaan laga saaray Khawaarijta.

22- Wasiir Ku-Xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha  Maxamuud Cabdullahi Axmed ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

23- Safiirka Soomaaliya ee dalla Tanzania iyo Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC)  Ilyaas Cali Xasan ayaa   booqasho ku tagay magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka DRC Congo.

24- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa  shaaciyay tirada rasmiga ah ee iska diiwaan gelisay doorashooyinka tooska ee gobalka Banaadir  oo gaaraya 923,220 oo qof, kuwaa  oo diyaar u ah in ay codkooda ku doortaan cidda hoggaamineysa.

25- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Caalamiga  ee (INTERPOL ) ayaa dalka Rwanda ka soo qabtay eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud oo ku eedeysan kufsi, duubis muuqaalo anshax xumo ah, iyo tacaddi loo geystay gabdho Soomaaliyeed.

26- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  Maxamed Shire ayaa la kulmay Wakiilka  Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

27- Safiirka Soomaaliya ee Tanzania   Ilyas Cali Xasan ayaa nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirnimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.

28- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar  ayaa ka qeybgalay madasha caalamiga ah ee taliyeyaasha ciidamada dhulka ee Afrika, oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

===========DHAMMAAD==========

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation