Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Ansixiyay Saddex Heshiis Is-afgarad Oo Ku Saabsan Waxbarashada iyo Cilmi-baarista




 Muqdisho, Khamiis, 09 Oktoobar 2025 — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay saddex heshiis is-afgarad oo la xiriira waxbarashada iyo cilmi-baarista.

Heshiisyadan is-afgarad oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa kala ah:

1. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan waxbarashada.

2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsan tacliinta sare.

3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuna saabsan tacliinta sare iyo cilmi-baarista.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sidoo kale looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka iyo la-dagaallanka khawaarijta.

Heshiisyadan ayaa la rajeynayaa inay sare u qaadaan tayada waxbarashada dalka, isla markaana xoojiyaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tacliinta iyo cilmi-baarista.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation