Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Ansixiyay Saddex Heshiis Is-afgarad Oo Ku Saabsan Waxbarashada iyo Cilmi-baarista




 Muqdisho, Khamiis, 09 Oktoobar 2025 — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay saddex heshiis is-afgarad oo la xiriira waxbarashada iyo cilmi-baarista.

Heshiisyadan is-afgarad oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa kala ah:

1. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan waxbarashada.

2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsan tacliinta sare.

3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuna saabsan tacliinta sare iyo cilmi-baarista.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sidoo kale looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka iyo la-dagaallanka khawaarijta.

Heshiisyadan ayaa la rajeynayaa inay sare u qaadaan tayada waxbarashada dalka, isla markaana xoojiyaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tacliinta iyo cilmi-baarista.

Comments

Popular posts from this blog

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation

“How many wars did President Trump actually end?”

Afghanistan Flights Halted Amid Nationwide Internet Shutdown