Howlgal NISA oo Basra lagu fuliyay: 7 ka tirsan Khawaarijta oo la dilay, 3 kalena dhaawacmay

 


War saxaafadeed:

Muqdisho, October 07, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay Toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka ayaa la qaaday markii la helay xog Sirdoon oo xaqiijisay in Khawaarijtu ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad. Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen.

Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, iyada oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ay si buuxda uga hortageen qorshihii Khawaarijtu ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso. Inta uu howlgalka socday ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

#Somalia #NISA #ShabeellahaDhexe #Amniga #CounterTerrorism #AlShabaab #Daacish



Comments

Popular posts from this blog

“How many wars did President Trump actually end?”

Afghanistan Flights Halted Amid Nationwide Internet Shutdown

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation