MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

 


Muqdisho, Oktoobar 12, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna. 

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

DHAMMAAD.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation