Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Maalgelinta ganacsatada gudaha dalka waa furaha shaqo-abuurka iyo koboca dhaqaalaha
Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Maalgelinta ganacsatada ee gudaha dalka, waxa ay gacan ka geysanaysaa shaqo-abuurka, bilicda iyo dhaqaalaha dalka.”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku ammaanay doorka ay ku leeyihiin maalgashiga iyo horumarka dalka, gaar ahaan caasimadda oo sanadihii dambe sameynaysay isbeddel amni oo dhiirrigelinaya maalgashiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalgashiga ganacsatada Soomaaliyeed ee gudaha dalkooda uu leeyahay faa’iidooyin badan, oo ay kamid yihiin shaqo-abuurka dhallinyarada, horumarinta bilicda caasimadda, iyo kor u qaadidda dhaqaalaha dalka.
“Waxaan sameynay Qorshaha Isbeddelka Qaranka, kaas oo ganacsatada Soomaaliyeed siinaya doorka ugu weyn ee maalgelinta dalka, waxaana looga fadhiyaa in ay gudaha dalkooda maalgashi ku sameeyaan, taas oo leh faa’iidooyin badan oo ay kamid yihiin shaqo-abuurka, bilicda iyo dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha oo caawa daah-furay Hotel casri ah oo ay dhiseen ganacsato Soomaaliyeed, laguna magacaabo Cammaara (Hotel Amara), ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay hantidooda ku maalgashadaan dalkooda, maadaama uu si weyn isu beddelay amniga ka jira caasimadda, isla markaana la sameeyey shuruucdii hagilahayd maalgashiga
Comments
Post a Comment