Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo Xal u Raadinaysa Deganaanshaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga

 



Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee Ankara ayaa bilihii lasoo dhaafay ku mashquulsanayd xal u helitaanka sharciga deganaanshaha qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.

Danjire Faxtudiin Cali Maxamed (Ospite) asaga oo ka duulaya arinkaas ayuu shir muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Ali Yerlikaya, Kulanka waxaa diirada lagu saaray arrimo la xiriira deganaanshaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga iyo sidi arrinkan xal waara loogu heli lahaa. 

Danjire Ospite ayaa mahad gaar u celiyay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka XFS oo arrinkan Safaaradda si dhow u gala shaqeeyay, Sidoo kale, wuxuu danjiruhu mahad weyn u celiyay Jamhuuriyadda Turkiga, taageerada iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay mar walba u muujiyaan Dowladda Soomaaliya.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation