Suuriya oo la sheegay inay Israa’iil u wareejinayso meydka basaaskii Eli Cohen – xaalad cusub oo taariikhi ah!
Warbaahinta Sacuudiga ee Al-Hadath, ayaa maanta soo bandhigtay inay Israa|l ku dhowdahay inay xaqiijiso xaalad ay muddo dheer sugeysay, taa oo ah suragalnimada inay Suuriya dhawaan ku wareejiso meydka basaaskii Eli Cohen oo lagu toogtay Suuriya sanadkii 1965, kaddib markii lagu helay inuu ahaa qofkii u fududeeyay Israa|l inay qabsato buuraha Golan. Tan iyo waqtigaa waxay Israa|l dadaal walba u gashay inay hesho meydka ninkan oo la daldalay, balse kuma guuleysan, laakin si hadda ay Suuriya u dhisto kalsoonida Israa|l, waxay dooneysa inay wareejiso meydka Cohen.
Muxuu ahaa basaaskan?
Eli Cohen wuxuu galay gudaha Suuriya dabayaaqadii sanadkii 1961, kaddib markii Mossad u diray hawlgalka sirdoon , isagoo adeegsanaya magaca been abuur ah ee Kamel Amin Thaabet , iskana dhigaya ganacsade reer Lubnaan ah oo kasoo laabtay Latin America.
Markii hore wuxuu muddo kooban ku sugnaa Argentina si uu halkaas uga dhiso sheekadiisa iyo xiriirro bulsho oo uu la yeelanayo jaaliyadda Suuriya, ka dibna bilowgii 1962 ayuu si rasmi ah uga degay Dimishiq, halkaas oo uu si buuxda ugu dhex milmay bulshada siyaasadeed iyo militariga ee Suuriya.
Inkasta oo uusan qabin jago rasmi ah oo dawladeed, Cohen wuxuu noqday la-taliye qarsoodi ah oo la dhageysto. Waxaa lagu casuumi jiray shirar ay ka soo qeyb-galaan wasiirro iyo saraakiil sare,mararka qaar wuxuu helay macluumaad ka hor inta aysan xitaa wasiirada qaarkood ogeyn.
Waxaa xitaa la sheegay in loo tixgelinayay in loo magacaabo wasiir ama la-taliye madaxweyne, maadaama la rumaysnaa inuu yahay qof wadani ah oo maalgashi doon ah.
Waxaa la ogaa in uu xiriir dhow la lahaa:
•Amin al-Hafiz, oo markii dambe noqday madaxweynaha Suuriya.
•Saraakiisha difaaca ee masuulka ka ahaa qorsheynta difaaca Buuraleyda Golan iyo xubno ka tirsan maamulka ammaanka gudaha.
Sirdoonka Suuriya ayaa ugu dambayntii ogaaday in xog sir ah si joogto ah looga gudbinayo Dimishiq. Waxaa la adeegsaday qalab Ruushka laga keenay oo raadiye-raadin ah, waxaana lagu arkay isgaarsiinta qarsoodiga ah oo taal guriga Eli Cohen, oo aan marna laga filan. Markii la qabtay, xogtii laga helay waxay muujisay inuu gudbinayay xog ciidan iyo difaac, taas oo noqotay mid Israa|l aad ugu adeegsatay dagaalkii 1967 ee ay ku qabsatay Golan Heights.
markii la toogtay 1965, wuxuu noqday mid Israa|l ku tilmaamtay geesi qarsoodi ah,balse Suuriya u aragtay mid ka mid ah jaasuusiintii ugu naxariista darnaa.
Comments
Post a Comment