Trump ayaa ku guul-darraystay inuu helo billada Nabadda ee Nobel-ka oo dadaal badan uu ku bixiyay

 


Trump ayaa ku guul-darraystay inuu helo billada Nabadda ee Nobel-ka oo dadaal badan uu ku bixiyay , taa beddelkeeda waxaa sannadkan lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay haweenayda María Corina Machado, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela oo taageerro badan ka hesha reer galbeedka iyo xataa Trump ayaa marar badan boggaadiyay dhaqdhaqaaqyadeeda. 


Dhowr fallanqeeyaal ayaa warbaahinta u sheegay 

in doorashada ah Trump in laga leexiyo billadan oo la siiyo Maria ay leedahay macne siyaasadeed oo loo fasiran karo in guddiga Nobel-ka uu si cad u muujiyay jihada ay dabayshu u socoto, taa oo ah taageeridda dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ee ka dhanka ah dawladaha xukun adag, halkii uu ka abaalmarin lahaa halganka diblomaasiyadeed ee Trump ee xabbad-joojinta Qasa.


Falanqeeyeyaasha ayaa tilmaamaya in go’aankan uu si dadban u muujinayo in reer Galbeedku doonayaan in ay xoojiyaan fariinta ah in isbeddelka dimoqraadiyadeed uu ka iman doono gudaha dalalka ay joogaan hoggaamiyeyaasha doonaya inay xukunka dheereystan sida Venezuela, halka la iska indho tiray kaalinta Trump ee heshiisyada nabadeed ee Bariga Dhexe.


Fiiro gaar ah; 


Xilliga lagu dhawaaqay billadan, waa waqti ay saq dhexe u ahayd Trump , oo wali lama helin falcelintiisa inuu ku guul darraystan billadan uu sida weyn u doonayay oo xataa mar la soo weriyey inuu Norway oo xarun u ah guddiga bixiya inuu ugu hanjabay haddii aan la siin billadan inuu cunaqabateyn saari doono.

Comments

Popular posts from this blog

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation

“How many wars did President Trump actually end?”

Afghanistan Flights Halted Amid Nationwide Internet Shutdown