Dekedda Muqdisho iyo Jaamacadda Banaadir oo Xoojinaya Iskaashiga Aqoon Kororsiga

 

Muqdisho, 10 November 2025 – Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Maamulka Sare ee Jaamacadda Banaadir, oo uu hoggaaminayay Dr. Cusman Maxamud Dufle, Guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Bulshada ee Aqalka Sare BFS ahna Guddoomiyaha Mu’asasada Jaamacadda Banaadir, iyo Dr. Maxamed Maxamud Xasan, Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dekedda Muqdisho iyo Jaamacadda Banaadir, gaar ahaan dhinacyada tababarrada aqooneed iyo kor u qaadista xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Intii uu socday kulanka, Maamulka Jaamacadda Banaadir ayaa uga mahadceliyay Maamulka Dekedda tababarradii aqoon kororsiga ee dhawaan ay ardayda qeybta Culuumta Badda ku qaateen gudaha Dekedda Muqdisho. Waxay sheegeen in tababarradaasi ay ahaayeen kuwo muhiim u ahaa fahamka dhabta ah ee ardaydu ka helaan shaqooyinka iyo nidaamka maareynta dekedaha.

Sidoo kale, Jaamacadda Banaadir ayaa ballanqaadday inay dhankooda si bilaash ah u siin doonaan shaqaalaha Dekedda fursado aqoon kororsi ah oo ku saabsan maamulka, caafimaadka shaqaalaha, iyo cilmi-baarista la xiriirta deegaanka iyo badda.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa maareeyeyaasha ku-xigeennada Dekedda Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweeyay dadaalka lagu xoojinayo iskaashiga waxbarasho iyo tababar ee labada dhinac.

Iskaashigan cusub ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo kaalin weyn ka qaadan doona horumarinta aqoonta dhalinyarada iyo tayeynta shaqaalaha ka howl gala hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa ku shaqeeya adeegyada badda iyo dekedaha dalka.


Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation