Fahan Sharci oo ku saabsan Dacwadda Soomaaliya ee EACJ.
Dacwadda Soomaaliya ee la xiriirta soo-xulista xubnaha Baarlamaanka Midowga Bariga Afrika (EALA) ku Matali doono Soomaaliya, waa kiiskii ugu horreeyay ee dalka loo geeyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ) intii aan ku biirnay Bushlada Bariga Africa.
Dacwadaan waxa ay ku salaysantahay awoodda maxkamadda ee ku qeexan Cutubka Saddexaad ee Heshiiska Midowga Bariga Afrika (1999/2007) gaar ahaan Qodobada (23 &27) oo awood u siinayo maxkamadda in ay fasirto Heshiiska, xaqiijiso in dalalka xubnaha ah ay raacaan waajibaadkooda. Maaddaama soo-xulista EALA ay ku nidaamsantahay Qodobbada (50, 51 &52) ee Heshiiska EAC, habraacyada gudaha ee dalalka xubnaha ka ah waa inay si buuxda ula jaanqaadaan shuruudaha Heshiiska marka ay fulinayaan .
Warqadda muddeynta dhagaysiga dacwadda ee ay soo saartay Maxkamadda EACJ (Application No. 16 of 2025 (EACJ), Amb. Mohamed Ahmed Awil & Another vs. Somalia & EALA) waxa uu muujinayaa in dacwoodayaasha ay ku doodayeen in habka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee soo-xulista EALA uusan waafaqsanayn Qodobka 50 ee Heshiiska EAC oo ku saabsan metelaadda, sinaanta iyo raacitaanka nidaamka sharci ee gudaha.
Kiisaska horey u dhacay ee lamidka ah .
Markii dib loo akhriyo Taarikhda dacwadaha la xariira doorashada xubmaha dalalka ku matalo EALA, dawacdo la mid ah ayaa horey uga soo muuqday go’aannada maxkamadda. Tusaale, Kiisaskii Uganda ee 2012 ee looga adkaay Dowladda oo uu Matalayo Xeer-ilaaliyaha Guud, maxkamaddu waxay ku adkaysatay in dalalka xubnaha ahi ay ku shaqeeyaan doorashada EALA si waafaqsan Heshiiska oo aan lagu halayn karin go’aan siyaasadeed oo gudaha oo keliya.
Sidoo kale kiiska Koonfurta Suudaan ee 2017 ee looga adkaaday Dowladda, maxkamaddu waxay dib u eegis ku samaysay habka soo-xulista dalka markii uu dhowaan ku biiray EAC, taas oo muujisay in xitaa dalalka cusub laga rabo isla waajibaadka maamul iyo dimuqraadiyadeed ee ku cad Qodobka 50aad ee Heshiiska EAC.
Fadhiga Maxkamadda ee Kiiska Soomaaliya;
Dacwadda Soomaliya oo mareysay heerka darajada Koobaad(first instance division), waxaa dhagaystay, Garsoorayaasha kala ah, Garsoore Nestor Kayobera (Burundi) oo guddoominayey, Garsoore Yohane Masara (Tanzania), iyo Garsoore Richard Muhumuza (Rwanda).
In kasta oo xukunka weli la shaacin, haddana wararka la helay waxay muujinayaan in xukunka looga adkaaday dowladda Soomaaliya, taas oo la jaanqaadaysaa jihada maxkamaddu horay u qaadday kiisaskii Uganda iyo Koonfurta Suudaan, halkaas oo maxkamaddu ku xukuntay in khaladaadka habraaca soo-xulista ay burin karaan natiijada, maadaama ay ka hor imanayaan Qodobka 27 iyo waajibaadka ku jira Qodobbada 51 iyo 52 ee Heshiiska EAC.
Dowladda Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay rafcaan u gudbiso Maxkamadda Rafcaanka, laakiin keliya ku saabsan si khaldan in loo fasirey qodobada Sharci ee Heshiiska EAC.
kiiskan wuxuu muujinayaa in ku biirista ururada caalamiga ah iyo kuwa goboleed ay leedahay waajibaad sharci iyo meelo ka baxsan Dalka oo go’aano leh, taas oo laga rabo in aan si dhab ah u fahano khataraha Sharci ka hor fulintooda.
Comments
Post a Comment