GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO DHAGAX-DHIGAY ISBITAAL LAGA DHISAYO DEGMADA GARASBAALLEY

 



Muqdisho, Nofeembar 02, 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Isbitaal cusub oo waasac ah oo degmada Garasbaaleey laga hirgeliyo. 

Isbitalka naan waxaa iska kaashanaya maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adda Qatar Charity, waxaana uu noqon doonaa isbitaal dan guud ah oo lacag la’aan ah, iyadoo loogu talagalay in uu ka faa’iideeyo shacabka degmada iyo dadka Barakaca ku ah.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalka loo dhameystiri doono dhammaan qalabka caafimaadka, daawooyinka, iyo dhaqaatiirta uu u baahan yahay, si loogu adeego bulshada si buuxda.

Sidoo kale, wuxuu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan ka qaybgalka doorashooyinka bishaan dhaceysa, iyagoo ka qayb qaadanaya sugidda amniga iyo bixinta canshuuraha si ay doorashadu u dhacdo si nabad ah oo hufan.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation