“Isbeddelka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya: Taageerada GERD iyo Marin-badeedka Itoobiya”
Itoobiya ayaa ku sheegtay badda dheer ee Soomaaliya inay tahay halka lagu xallin karo baahida Itoobiya ee marin badeed, halka lagu sheegay Madaxweyne Xasan, mowqifka uu ku taageerray siyaasadda Itoobiya ee labada biyood inay ka dhigantahay isbeddel weyn oo ku yimid mowqifkii Soomaaliya ee arrimaha Itoobiya ,xilligaana labada dal ay soo gaareen heer xiriir kalsooni leh , taa oo aan horey u dhicin taariikhda oo dhan, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay machadka cilmi-baarista iyo amniga qaranka Itoobiya.
Halkan ka akhri warbixinta;
Siyaasadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya waxaa si weyn u saameeyay xaaladdeeda gudaha iyo cadaadiska dibadda. Xilligii xukunkii Siyaad Barre, aragtida Soomaaliya ee ku saabsan dhulka la isku haystay—sida dhulka ay Itoobiya iyo Kenya la wadaagto waxay noqotay xoogga hagayay siyaasaddeeda arrimaha dibadda. Taasi waxay sanado badan dhaawac ku reebtay xiriirka Soomaaliya iyo deriskeeda. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991, xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuu ahaa mid marba meel joogay
Toddobadii sano ee ugu dambeeyay, isbeddello ka dhacay Itoobiya, gaar ahaan hoggaan cusub oo is-beddel doon ah, ayaa keenay in Addis Ababa isku daydo inay qaab cusub u wajaho gobolka iyo xiriirka Muqdisho. Si kastaba, dadaalladaas natiijo weyn ma dhalin, maadaama dhaawacyadii hore, hay’adaha daciifka ah iyo xasaradaha siyaasadeed ee Geeska Afrika ay weli saameyn xooggan yeesheen. Sidoo kale, arrimo ka baxsan gobolka sida loollanka biyaha Niilka iyo geopolitics-ka ayaa xasiloonida ka dhigay mid aan sahlanayn. Sidaas awgeed, xiriirka labada dal wuxuu u socday mid ku socday si taxaddar iyo caqabado badan ay la socdaan.
Dhammaystirka mashruuca Biyo-Xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), iyo ka qeybgalka Madaxweynaha Soomaaliya ee xafladdii furitaanka, waxay noqotay arrin calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid mowqifka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale muuqday isbeddelkaas markii madaxweyne Xasan Sheekh uu waraysi uu siiyay Al-Arabiya kaga hadlay GERD oo uu ku qeexay mashruuc horumarineed oo fursad u ah wada shaqaynta gobolka. Sidoo kale wuxuu taageeray codsiga Itoobiya ee ku saabsan inay hesho marin bad , aragti hore loogu arki jiray arrin xasaasi ah oo khilaaf keenta.
Marka loo eego taariikhda xiriirka labada dal oo marar badan u dhexaysay iskaashi iyo ismaandhaaf, hadallada Madaxweynaha Soomaaliya waxay u muuqdaan leexasho diblomaasiyadeed oo weyn. Waxayna muujinayaan in dadaalladii dib u heshiisiinta ee Addis Ababa iyo Muqdisho ay gaareen heer cusub.
Soomaaliya waxay leedahay xeeb ka mid ah kuwa ugu dheer Afrika, waxayna ku taallaa meel istaraatiiji ah oo u dhow marinada caalamiga ah ee ganacsiga: Kanalka Suways, Baab-el-Mandab iyo Badweynta Hindiya. Booskaasi waa fursad, hase yeeshee sidoo kale waa mas’uuliyad culus oo keenta nuglaansho amni iyo faragelin dibadeed.
Tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladdii Soomaaliya 1991, Itoobiya mar kasta waxay si dhow ula socotay xaaladda amni ee Soomaaliya. Intii u dhexeysay 2018 iyo 2022, labaduba waxay dhex maraysay xilli cusub oo iskaashi sare leh, iyada oo Itoobiya ku dhowaaqday siyaasadda deriska marka hore iyo isku xirka gobolka. Laakiin isbeddelkii siyaasadeed ee Soomaaliya iyo saxiixii heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee 1-da Janaayo 2024 ayaa dib u kiciyay xiisaddii labada dal. Kaabis ahaan, heshiiskii Ankara ee 12-kii December 2024 ayaa noqday waddo lagu dejiyo xiisaddii oo dib loogu bilaabo diblomaasiyad degan.
Itoobiya, oo ahayd dal mar marin bad lahaa ilaa 1991, haddana maanta ah dal ciriiri ku jira oo xanniban, waxay la tacaalaysaa laba khatar oo waaweyn: loollanka biyaha Niilka iyo khataraha ka jira Badda Cas. Sidaa darteed, Addis Ababa waxay qaadatay istaraatiijiyadda Laba Biyo, taas oo muhiimad siinaysa:
•Isticmaalka si cadaalad ku dhisan ee biyaha Niilka (GERD)
•Badbaadada marinada badda ee gobolka
Isbeddelladii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka qeybgalka Madaxweynaha ee xafladdii GERD iyo hadalladiisii taageerada ahaa ee ku wajahan marin-badeedka Itoobiya, waxay caddeeyeen in Villa Soomaaliya qaadatay aragti diblomaasiyadeed oo cusub, taas oo wax ka beddeleysa siyaasaddii hore ee ku dhisnayd shaki iyo feejignaan joogto ah.
Sababaha arrintan muhiim ka dhigaya waxaa ka mid ah:
• Soomaaliya waxay marar badan ahayd meel loo adeegsado cadaadis ka dhan ah Itoobiya, hadda taa waa la yareeyay.
•Soomaaliya waxay xubin ka tahay Madasha Badda Cas iyo Jaamacadda Carabta, sidaas darteed waxay noqon kartaa isku xire gobolka.
•Xeebaha Soomaaliya oo dheer waxay noqon karaan waddo lagu xalliyo baahida Itoobiya ee marin bad oo nabad ah.
•Taageerada Soomaaliya ee istaraatiijiyadda Laba Biyo waxay fureysaa bog cusub oo diblomaasiyad ah oo muhiim u ah labada dal iyo guud ahaan gobolka.
Saamaynta Isbeddelkan
Isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu yeelanayaa saameyn fog. Haddii Soomaaliya ku biirto mashruuca korontada ee GERD, waxay ka heli kartaa fursado cusub oo ganacsi, maalgashi iyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha. Tani waxay sare u qaadi kartaa koboca dhaqaalaha iyo xasilloonida labada dal. Sidoo kale, hadday Soomaaliya qaadato siyaasad dheellitiran oo ku saabsan khilaafka GERD, waxay heli kartaa kalsooni diblomaasiyadeed oo ka dhigta dhexdhexaadiye lagu aamini karo. Labada dalba waxay fursad u heli karaan maalgelinta caalamiga ah ee kaabayaasha, tamarta iyo ganacsiga.
Laakiin si loo gaaro faa’iidadaas, labada dal waa inay muujiyaan go’aan, kalsooni iyo deggenaan siyaasadeed.
Gunaanad
Ka qeybgalka Madaxweynaha Soomaaliya ee xafladdii furitaanka GERD iyo hadalladii uu ku taageeray mashruuca iyo baaqiisa ku wajahan in la xalliyo arrinta marin-badeedka Itoobiya waxay calaamad u yihiin isbeddel diblomaasiyadeed oo muhiim ah. Soomaaliya waxay ka leexatay siyaasaddii shakiga iyo kala fogaanshaha ahayd ee muddada dheer jirtay, waxayna u dhaqaaqday siyaasad ku dhisan kalsooni, iskaashi iyo dan guud oo gobolka ah.
Isbeddelkan wuxuu fariin cad u dirayaa xoogagga qaska ka abuura Geeska Afrika: xilliga colaadda joogtada ah wuu dhammaaday, waxaana la gaaray waqtigii wadahadalka. Haddii diblomaasiyaddan cusub la fuliyo, waxay noqon kartaa dariiqa lagu gaaro mustaqbal deggan, koboc dhaqaale, iyo xiriir ku dhisan iskaashi dhab ah oo u dhaxeeya Itoobiya, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Comments
Post a Comment