"Sirdoonka Israa’iil oo ka digay qorshaha Turkiga ee Qasa"
Telefishinka i24NEWS ee ka soo baxa Israa|l ayaa markii u horreysay soo bandhigay sharraxaad la xiriirta , sababta ay Israal u diidantahay inuu Turkiga joogitaan ku yeesho gudaha Qasa, iyadoo la xiganayo saraakiil kale duwan oo Israa|l ah, waxaa warbixinta lagu sheegay ;
Turkiga , oo adeegsanaya magaca howlgallo gargaar bani’aadanimo, taageerro dib u dhis iyo nabad ilaalin , wuxuu galaa goobaha jilicsan ee istaraatijiga ah, balse ujeeddada ma aha taageerro ee waxaa inuu helo saldhigyo ciidan, dhaqdhaqaaq sirdoon iyo helida dhul cusub, taa oo laga heli karo marka taariikhdiisa dib loo akhriyo.
Warbixintan, waxaa tusaale loo soo qaatay gelitaanka Turkiga ee Qabrus, Liibiya iyo Suudaan oo la sheegay inay ku dhaceen dabinta Turkiga , kuwaasoo aqbalay inuu Turkiga siinayo taageerro nabad ilaalin , balse wuxuu dhaqangeliyay Turkiga siyaasadiisa inuu dhul qabsado. Warbixinta ayaa intaa sii raacisay: “Israa|l waxay hadda ka baqaysaa in bartilmaameedka xiga uu noqdo Qasa.”
Tusaalaha ugu horreeya ee taariikheed waa Qabrus.
Sannadkii 1974, Turkiga ayaa duullaankiisa ku bilaabay magaca nabadda ilaalin, balse 50 sanno kadib, wali wuxuu dhulka ku heysta isagoo sheegaya inuu ilaalinayo, waxaana buuraha waqooyiga Qabrus laga taagay calanka Turkiga, waxaana jooga ku dhawaad 35,000 askari.
Dhanka kale, kadib isku daygii afgembi ee Turkiga ka dhacay 2016, Ankara waxay si xawli ah u furtay iskuullo cusub oo ku yaalla Galbeedka Afrika,
waddamo ay ka mid yihiin Gambia, Guinea, Niger, Senegal, Ghana iyo Benin, iyadoo la adeegsanayo magacyo lagu soo jeedinnayo dareenka bulshada dalalkaa, sida in taageerrada Turkiga ay tahay ; mid walaalnimo, saaxiibtinimo iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan, waxaana mar kasta la soo muujiyaa carruur dhoolacaddeynaysa oo ay dhex joogaan macalimiin Turkiga iyo calanka Turkiga , dal kastana waxaa kumannaan dhallinyaro ah la baraa luuqadda Turkiga , kuwaasoo qaarkood laga shaqo geliyo xarumaha Turkiga uu maamullo oo qaarkood laga dhigo diblomaasiyiin Turki ah.
Waxaa kaloo warbixintay ay tusaale usoo qaadatay gelitaanka Turkiga ee Soomaaliya , waxaana la sheegay in sannadkii 2017, Turkiga uu Muqdisho ka dhistay saldhiggiisa ciidan ee ugu weyn ee dibadda. Kumannaan askari Soomaali ah ayaa halkaas ku tababaranaya magaca xasilinta gobolka, balse si qarsoodi ah waxaa saldhiggaasi ku sugan unugyo sirdoon badeed oo la socda dhaqdhaqaaqa badweynta Hindiya iyo dekedaha ku dhow, waxaana la yiri ; “ Turkiga wuxuu dhex galay maskaxda bulshada Soomaaliya , wuxuu soo saaray jiil Soomaali ah balse daacad u ah Turkiga.”
Liibiya gudaheeda, Turkiga wuxuu sameeyay dhaqdhaqaaqyo la mid ah maraakiib qalab injineernimo siday oo laga qaaday dekedda Mersin, balse gudaha waxaa ku jiray gantaallo, rasaas iyo qaybo diyaarado aan duuliyayaal lahayn.
Warbixinta oo sii socota waxaa lagu yiri ; Hay’adaha amniga Israa|l ayaa sheegaya in ay si dhab ah uga walaacsan yihiin in Turkiga uu ku yeesho joogitaan joogto ah gudaha Qasa, maadaama ay ogyihiin in meel kasta oo Turkigu tago magaca nabaddu uu ku yimaado, haddana uu ka tago saldhig milatari ama shabakad sirdoon.
Sannadkii 2024, sirdoonka Israa|l ayaa muujiyay cabsi xooggan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada Turkiga ee dhanka Qasa. Warbixinaha qiimeynta amniga ayaa sheegay in Ankara ay isku dayi karto in ay ku gasho Qasa magaca howlaha bani’aadannimo ama dib-u-dhis, balse dhab ahaantii ay keento qalab sirdoon iyo agab milatari oo casri ah.
Waxaa la sheegay in konteenarrada lagu tilmaamay qalab injineernimo ay dhab ahaantii qarin karaan qaybo diyaarado drone-ka ah, dareemayaal kormeer, fiilooyin fiber optic ah oo loo adeegsado godadka, iyo qalab hagi kara gantaallada. israa|l waxay aaminsan tahay in agab noocaas ahi uu dhisi karo kaabayaal milatari dhammaystiran oo suuragal ka dhigaya in la soo saaro boqolaal gantaal, halkii uu noqon lahaa mashruuc gargaar.
Sidoo kale waxaa jirta cabsi ah in waxa lagu sheegay unugyo kormeer ay dhab ahaantii yihiin xarumaha kombiyuutarada iyo server-yo casri ah, oo loo adeegsan karo hab sirdoon ama weerarro cyber-ka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo Israa|l ah. Sidaa darteed, sida uu mid ka mid ah saraakiisha amniga Israa|l u sheegay wargeys maxalli ah: “Sababta aan uga baqeyno in Turkiga uu galo Qasa magaca nabadda waa mid fudud: mar kasta oo Turkiga wax dhiso, wuxuu ka tagaa xuduudo, kamarado iyo saldhig ciidan. Taasi maaha mala-awaal, waa hab-dhaqan taariikhi ah.”
Wuxuu ku daray: “Hawl kasta oo Turkigu ku bilaabo magaca nabadda waxay ku dhammaataa dhul cusub oo khariidadda lagu daro.”
Gabagabadii, su’aasha ay warbixintu soo jeedisay waxay ahayd: “Su’aasha la is weydiinayo ma aha waxa Turkiga rabo inuu sameeyo ee waa yaa joojin kara haddii uu galo Qasa?”
Comments
Post a Comment