Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer Degdeg ah Ku Tagay Xarunta NIRA ee Muqdisho

 


Muqdisho, 03 November 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka jawaabayay cabashooyin ka yimid bulshada, ayaa kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah Xarumaha Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ee degmada Hodan, gobolka Banaadir, isaga oo faray madaxda hay’adda in adeegga loo fududeeyo bulshada.

“Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada waa mid aan la aqbali karin. Gabdhaha looma oggola in habeenkii ay yimaadaan ama bannaanka ku seexdaan. Amnigooda ayaa halis ku jira, mana qurxoon. Jadwalada shaqada waa in la badiyaa si culeysku u yaraado, adeeggana bulshada loogu fududeeyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray maamulka hay’adda in la kala leexiyo diiwaangelinta iyo qaadashada kaarka, si qofka kaarka qaadanaya uusan saf la mid ah kan isdiiwaangelinaya ugu jirin.

#Somalia #NIRA #KaarkaQaranka #Ra’iisulWasaare #AdeegBulsho #Horumar


Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation