Soomaaliya oo Xoojineysa Dalxiiska: Wasiirka DFS oo Riyadh kula Kulmay UNWTO
Riyadh, 9 November 2025: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga oo uu ka socdo Shirweynaha Dalxiiska Qaramada Midoobay, kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Ururka Dalxiiska Caalamiga ee Qaramada Midoobay ee UNWTO. Madaxda Wasiirka la kulmay ayaa kala ah Agaasimaha Afrika ee Elcia Grandcourt iyo Agaasimaha Xiriirka Caalamiga Beka Jakeli.
Kulanka Wasiirka iyo madaxda UNWTO ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dalxiiska Soomaaliya iyo sidii iskaashi buuxa u wada yeelan lahaayeen Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee dhanka arrimaha dalxiiska.
Wasiirka ayaa madaxda UNWTO uga warbixiyay koboca adeegga dalxiiska ee Soomaaliya iyo siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan horumarinta dalxiiska, kaas oo ku saleysan casriyeynta adeegga iyo xoojinta hadafka UNWTO ee ah in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha dalxiiska si shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Soomaaliya ay dhowaan hirgelin doonto machadyo heerar kala duwan leh oo lagu barto arrimaha dalxiiska iyo martisoorka.
Madaxda UNWTO ayaa dhankooda soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dib u soo nooleynta dalxiiska iyo adeegyada la xiriira, waxayna ballan qaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Soomaaliya si loo dhiirigeliyo dadaalka DFS ee horumarinta dalxiiska.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh uga qeybgelaya Shirweynaha Guud ee 26aad ee Ururka Dalxiiska Qaramada Midoobay oo sannadkan ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, noqoneysana markii ugu horeysay ee dalalka Khaliijka ay martigeliyaan shirkan.
Comments
Post a Comment