Trump oo warbaahinta madaxa bannaan ku beddelay taageerayaal xagjir ah oo laga dhigay wariyayaal Pentagon-ka



 Trump ayaa ku dhaqaaqay tallaabo cusub uu meesha uga saarayo warbaahinta madaxa bannaan , isagoo hadda adeegsanaya shaqsiyaadka midigta fog ee sida xagjirka ah u taageerra, iyadoo hadda Laura Loomer, oo ah haweenay midigta xagjirka ah oo taageerta Trump , lagu daray kooxda loo oggolyahay inay ka soo warramaan dhacdooyinka waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, kaddib markii dhawaan warbaahintii ka soo warrami jiray ay shaqada u joojiyeen sabab la xiriirta shuruuc lagu tafatirayo wararkooda oo Pentagon-ka uu soo saaray.Trump oo warbaahinta madaxa bannaan ku beddelay taageerayaal xagjir ah oo laga dhigay wariyayaal Pentagon-ka


Dhowr qof oo dadka warbaahinta bulshada ka taageerri jiray Trump ayaa hadda lagu beddelay halka ay ka baxeen warbaahinta , waxaana dadka aan horey saxaafadda ugu jirin sida, Laura Loomer la siiyay aqoonsi saxaafadeed, mana jirto wax saxaafad ah oo aan ahayn inay baraha bulshada taageerradeeda Trump ku soo gudbin jirtay oo ay lahayd, sida uu sheegay wargeyska Washington Post. 

Fiiro gaar ah; 

Mareykanka ka hor Trump , dalal badan ayuu cunaqabateyn u saaray inay xakameynayaan saxaafadda , balse hadda Trump ayaa qaaday wax aan horey dal kale looga sameyn oo aan xakameyn ku saabsaneyn ee shaqo joojin uu geliyay saxaafadda madaxa bannaan , oo lagu beddelayo shaqsiyaad baraha bulshada oo aan sheegeyn wax isaga ka dhan ah..!

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation