Wasiir Cali Xoosh Oo Ku Baaqay Is-Cafis Iyo Wadahadal Dhexdhexaad ah oo u Dhexeeya Beelaha Gaaljecel iyo 5ta Caleemood

 



Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulamo gaar ah la yeeshay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Gaaljecel iyo 5ta Caleemood, kuwaas oo diiradda lagu saaray sidii loo xallin lahaa khilaafaadka ka taagan deegaannada ay colaaddu saameysay.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in khasaaraha ka dhashay colaadda uu yahay mid laga xumaado, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la dhiirrigeliyo nabadda, walaaltinimada iyo wada-noolaanshaha.

Mudane Cali Xoosh ayaa xusay in diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ay mudnaan gaar ah siiyeen ilaalinta nafta iyo hantida, isagoo ku baaqay in bulshada lagu hogaamiyo jidka is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta dhab ah.

Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay isagoo xasuusiyay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta in ay masuuliyad ka saaran tahay koryeelidda qiimaha wadahadalka iyo nabadaynta.

Isagoo sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in ay taageerto dadaallada nabadeed ee bulshada dhexdeeda socda.

#Somalia #Nabad #Reconciliation #CaliXoosh #SomaliUnity #PeaceBuilding


Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation