Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur,
๐ก๐ฎ๐ถ๐ฟ๐ผ๐ฏ๐ถ | ๐9 ๐ก๐ผ๐ณ๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ — Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo safar shaqo ku jooga magaalada ๐ก๐ฎ๐ถ๐ฟ๐ผ๐ฏ๐ถ ee dalka Kenya, ayaa kulan soo dhaweyn heer sare ah la yeeshay Wasiiradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Qorsheynta Magaalooyinka Kenya, Marwo Hon. Alice Wahome (EGH).
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyadoo wada-hadallada diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada wasaaradood, gaar ahaan:
• Iskaashiga tababarrada iyo isdhaafsiga khibradda ee ku saabsan magaaleynta, guriyeynta iyo maamulka dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
• Dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan kuwa la xiriira marinnada isku xira Soomaaliya iyo Kenya.
• Hirgelinta barnaamijyada guryaha jaban, la awoodi karo oo adkaysi leh, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta magaalooyinka labada dal.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi aad u wanaagsan, iyadoo labada dhinac ay isla garteen in la ballaariyo, lana xoojiyo xiriirka iskaashi ee dhanka horumarinta iyo dhismaha, taasi oo qayb ka ah dadaallada lagu adkeynayo heshiisyada labada wasaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya.
Comments
Post a Comment