Maamulka Banaadir Oo Heegan Geliyay Gurmadka Degdegga Ah Ka Hor Doorashada Berri Ee Muqdisho



 MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO HEEGAN GELIYAY ADEEGYADA GURMADKA DEGDEGGA AH MAADAAMA AY DOORASHO DADWEYNE BERRI KA QABSOOMAYSO MAGAALADA MUQDISHO

Muqdisho, Diseembar 24, 2025: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas oo ku jira heegan buuxa si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo degdeg ah oo dhici karta, maadaama magaalada Muqdisho ay galeyso doorasho maalinta berri ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay si buuxda u diyaarisay gaadiidka dab-damiska, ambalaasyada iyo shaqaale tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24 saac, si loo xaqiijiyo bedqabka iyo badbaadada shacabka caasimadda ee u diyaarsan ka qaybgalka doorashada.

Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale muwaadiniinta ku baraarujiyay lambarka gaaban ee 991, kaas oo ay la soo xiriiri karaan marka ay u baahdaan gargaar degdeg ah.


Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Hoose ay mar walba u taagan tahay adeegga iyo daryeelka shacabkeeda, isaga oo ugu baaqay bulshada ku nool magaalada Muqdisho inay si nabad ah, mas’uuliyad lehna uga qaybqaataan doorashada maalinta berri ah ka dhaceysa caasimadda.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation