Madaxtooyada Somaliland oo Shaqo Xooggan Maalinta Jimcaha, Aqoonsi Caalami ah oo la Filayo



 Madaxtooyada Somaliland oo maalmaha jimcaha fasax geli jirtay ayaa maanta ka duwan maalmihii hore, inta badan shaqaalaha muhiim ah ayaa la faray in ay soo shaqo tagaan sida qaybta Warbaahinta iyo ICT-ga.

Waxa ilaa xalay socda wax si taxadar leh loo wado oo mas’uulkastaana ka gaabsanayo in uu si faahfaahsan uga hadlo.

Madaxweyne Cirro oo hadda gurigiisa Hargeysa ku sugan , waxa la jooga inta badan xubnaha muhiim ah ee xukuumaddiisa.

Waxa kale oo la filayaa in uu goordhow soo galo madaxtooyada si arrimaha socda loo shaaciyo.

Ilo-wargaleen ayaa xaqiijinaya in ay u badan tahay in waddamo ku dhawaaqaan Aqoonsiga Somaliland taas oo madaxweyne Cirro-na markiiba u mahadcelin doono.

Sidoo kale waxa warrarku sheegayaan in uu guuldarraystay dagaal diblumaasiyeed oo Villa Soomaaliya ku bixisay in arrimaha socda ay kaga hortagto.

Madaxweyne Cirro ayaa hore u sheegay in bishan aan ku jirno ee December la ictiraafayo Somaliland inkasta oo aanu sheegin waddamada aqoonsiga siinaya.

Maraykanka, Israa’iil iyo Imaraadka Carabta ayaa arrintan gadhwadeen ka ah.

Waxa kale oo suuragal ah in arrinta aqoonsigu dib ugu dhacdo maalmaha soo socda oo isku shaan-dhayn xukuumaddu ka soo horrayso.

Gallaydh TV

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation