Somalia | Shirkii Kismaayo & Casharka Siyaasadda Casriga ah
Shirkii Kismaayo wuxuu si cad u muujiyay isbeddel qoto dheer oo ka dhacay deegaanka warbaahinta gudaha Soomaaliya. Warbaahinta caadiga ah ee telefishinnada, oo muddo dheer hoggaaminayay qaabeynta aragtida dadweynaha, waxay si muuqata uga soo hareen doorkii ay lahaayeen. Halkoodii waxaa si buuxda u buuxiyay baraha bulshada, kuwaas oo maanta ah aalad saameyn caalami ah leh, isla markaana ay hormuud ka yihiin shaqsiyaad iyo warbaahin madax-bannaan oo si toos ah ula hadla bulshada.
Intii uu shirku socday, dirirta ugu weyn ma ahayn mid ka dhacday hoolalka shirarka, balse waxay ka dhacday baraha bulshada. Halkaas ayaa lagu qaabeeyay aragtiyo iska soo horjeeda, mid walbana uu isku dayay inuu sheekadiisa ku muquuniyo tan kale. In ka badan 70 wariye badankood ah wariyeyaal madax-bannaan oo leh baro bulsho ayaa tegay Kismaayo, balse tiradaasi ma aysan awoodin inay xakameyso ama beddesho aragtiyadii taban ee si xooggan loo faafinayay ee ka dhanka ahaa shirka.
Qiimeyntayda, qaban-qaabiyeyaasha shirka iyo hoggaamiyeyaashii isugu yimid ma aysan siin mudnaanta ku filan sida uu shirku uga muuqanayo aragtida dadweynaha. Tani waxay keentay in hal sheeko oo kaliya shir lagu ciqaabo oo loo sawirray mid aan waxtar lahayn, kala aragti duwanaantuna ka badan tahay wixii la wadaagay ama la isku afgartay.
Arrin muhiim ah oo tusaale u noqotay tan ayaa ahayd doodda ku saabsan dhismaha hoggaan ama qaab-dhismeed rasmi ah oo madashu yeelanayso. Qodobkan ma ahayn mid ajandaha si rasmi ah ugu jiray, balse hal hoggaamiye siyaasadeed ayaa soo jeediyay in loo baahanyahay guddoon ama qaab-dhismeed, isaga oo xitaa soo jeediyay in madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed noqdo guddoomiye. Arrintaas si degdeg ah ayuu Shariif u diiday, mana noqon mid lagu dheeraaday. Waxaana markii dambe la isku raacay qaab u eg ururro goboleed sida IGAD, oo ku dhisan xog heyno, waxayna xoghaynadu ku shaqeyn doonaan hoggaan ku dhisan wada-tashi iyo xog-hayn, halkii ay ka ahaan lahayd hoggaan shaqsi ku kooban , arrin ay ugu yaraan laba hoggaamiye siyaasadeed oo shirka joogay ii xaqiijiyeen.
Si kastaba, bannaanka waxaa ku xoog batay sheeko horey loo diyaariyay oo shirka ku tilmaamaysay mid aan wax natiijo ah lahayn. Markii aan la arag qaab-dhismeed cad oo degdeg ah, aragtida dadweynaha waxaa loo jiheeyay gunaanad sahlan: “Shirku ma noqon mid lagu heshiiyay, sidaas darteedna waa mid aan macno lahayn.”
Halkaas ayay fursad ka heleen dawladda iyo taageerayaasheeda, kuwaas oo si guul leh u leexiyay aragtida dadweynaha, una sawiray shirka mid aan wax miro ah dhalin. Tani ma ahayn guul-darro gaar ku ah 70-kii wariye ee Kismaayo joogay, balse waxay ahayd natiijo ka dhalatay hoggaamiyeyaasha shirayay oo aan u furnayn saxaafadda, isla markaana aan bixin xog, waraysiyo iyo tafaasiil ku filan oo bulshada u caddeyn kara ujeeddooyinka dhabta ah ee shirka.
Wariyeyaashu inta badan waxay soo gudbinayeen xog horey loo sii ogaa; wax macluumaad cusub ama sharraxaad dheeraad ah oo wax iftiiminaysa ma aysan helin. Markaa ma wariyeyaasha ayaa ka gaabiyay howshooda, mise waxaa jiray caqabado dhab ah oo hor istaagay helitaanka xog? Si kasta oo ay tahayba, faaruqaas tafaasiisha maqan waxaa si xeeladaysan u buuxiyay dhinaca kale.
Casharrada laga baran karo arrintan;
•Haddii aadan adiga bixin xogta ay dadweynuhu uga baahanyihiin sheekooyinka kugu xeeran, isla markaana aadan dhisin buundo aad kula xiriirto bulshada, dhinac kale ayaa qori doona sheekadaada, adiguna ma xakamayn kartid jihada ay qaadanayso.
•Inkasta oo siyaasiyiintu mararka qaar ka digtoonaadaan warbaahinta, haddana gebi ahaanba ka maqnaanshaha ma aha xal. Hal waraysi oo si fiican loo diyaariyay ayaa kor u qaadi kara sumcad, saameyn bulsho iyo kalsooni.
•Ka cararista su’aalaha furan ee warbaahinta waxay inta badan muujisaa inaysan jirin diyaargarow ku filan, ama kalsooni lagu wajaho khaladaad hore iyo sida loo saxayo. Xaqiiqdu waxay tahay in ku dhowaad dhammaan musharrixiinta
illaa madaxweynaha xilka haya aysan sannadihii u dambeeyay bixin waraysiyo furan oo su’aalaha dadweynaha ay si waydiinayaan lagu hor dhigay.
•Mid ka mid ah astaamaha hoggaamiye dhab ah waa awoodda uu u leeyahay inuu wajaho xaqiiqada, si dhiirran oo qorsheysan ula hadlo bulshada, uguna sharraxo aragti iyo jihada uu doonayo in dalka u kaxeeyo.
Inkasta oo doorashooyinka Soomaaliya ay inta badan ku xaddidan yihiin xildhibaanno wax doorta, haddana xildhibaan kastaa wuxuu ka yimaadaa bulsho. Mar kasta oo aad si xeeladaysan u qaabeyso aragtida dadweynaha, waxaad si dadban u saameyneysaa go’aanka cidda wax dooranaysa. Taasi waa xaqiiqo siyaasadeed oo aan la iska indho tiri karin.
Ugu dambeyn, shirkii Kismaayo wuxuu caddeeyay in siyaasadda casriga ahi aysan ka dhicin qolal xiran, balse ay ka dhacdo baraha bulshada. Cidda ka maqnaata halkaas, iyada ayaa laga hadlaa..!
Waxaan kaga tagay aragtidaada
Comments
Post a Comment