Soo Jeedinta Koowaad ee Qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

 


Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Mudane İbrahim Yumaklı

Kulanka labada Mas'uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo labada Wasaaradood iyo dardargelinta fulinta heshiisyadii la gaaray oo uu ugu danbeeyay Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda oo ah mid muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha Kheyraadka Badda ee Soomaaliya.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa dowlada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo wax-wadaqabsiga iyo wadajirka Walaalnimada ku dhisan ee labada dal. 

Dhankiisa, Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane İbrahim Yumaklı ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay ka go'antahay taageeradda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo fulinta dhammaan heshiisyadii lawada saxiixday.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation