Soomaaliya & Turkiga oo Qorsheynaya Ku Dhawaaqista Helitaanka Shidaal Gudaha Dalka



 #UPDATE: Dawladdaha Turkiga & Soomaaliya ayaa qorsheynaya in ay ku dhawaaqan in Shidaal laga helay goobo kamid ah Soomaaliya oo sahmin lagu sameeyey, taas oo ay fulisay dawladda Turkiga aruurinta xogtan.

Kulan wadajir ah oo la qorsheynayo in ay bilowga Jan 2026-ka yeeshaan madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud & Dhigiisa Turkiga Rejeb Dayib Erdogan ayaa looga dhawaaqi doonaa warkan, sida ay sheegayaan ilo wareedyo wargal ah.

Sida ay Gaylan Media u sheegeen dadka aadka uga warqaba geedisocodkan ayaa xaqiijinaya in ay Villa Somalia qorsheynayso baadigoobka dhaqaale amaah ah, marka lagu dhawaaqo in Shidaal laga helay gudaha dalka.

Xassan & Xamse ayaa shalay kuwada dhawaaqay in ay war farxad leh ay soo wadaan, kaas oo wax ka bedelaya horumarka Soomaaliya, Ankara ayaa haysta Heshiiska Kalluunka ilaa Shidaalka dalka oo aan cidna faahfaahin badan kahaynin.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation