Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir
Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir oo markii hore ay iska diiwaan gelisay ayadoo Wasiirka uu wehliyey Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xildhibaan Nuuro Mustaf Muqtaar Guudoow.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kormeer ku tagtay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir oo ay si weyn ugu socoto qaadashada kaararka codeynta oo ay dadweynaha gobolka Banaadir ugu diyaar garoobeen 25ka bishan doorashada Golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir.
Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo la hadashaday shacabka degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ayaa ku boorisay iney saacadaha haray si weyn ugu soo baxaan qaadashada kaararka codeynta islamarkaana ay maalinta Khamiista ah ee soo socota usoo wada baxaan iney codkooda ka dhiibtaan goobaha loo asteeyey taasi oo ah taariikh uu dalkeennu qorayo 57sano kadib in shacabka xaqooga codeynta dib loogu soo celiyo oo ay codkooda ku doortaan cida hogaamineysa.
Comments
Post a Comment