Guul Iyo Horumar Waxaan ku soconnaa jidka saxda ah. Horumar kasta wuxuu ka bilaabmaa hal tallaabo. ๐Ÿ’ช๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

 


Muqdisho, Janaayo 19, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka hadlay bannaanbax ay saakay dhigeen qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka BL-ka, kuwaas oo cabasho ka muujiyay hannaan cusub oo diiwaangelin ah oo lagu billaabay gaadiidka ka howlgala magaalada Muqdisho, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta amniga guud.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa caddeeyay in ay lama huraan tahay in la diiwaangeliyo gaari kasta oo ka shaqeeya caasimadda, si loo helo xog dhammaystiran oo ku saabsan gaariga, milkiilaha, qofka damiin ka ah, iyo shaqaalaha ka howlgala gaariga, sida darawalka iyo kaaliyihiisa (kirishboyga).

Wuxuu xusay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga, laguna xaqiijinayo badqabka muwaadiniinta.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in lacago dheeraad ah laga qaadi doono wadayaasha ama milkiilayaasha gaadiidka, isagoo adkeeyay in aan la qaadi doonin wax lacag ah oo ka baxsan khidmadda rasmiga ah ee Bosteejada oo horey u jirtay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gaadiidka aan marin habraaca diiwaangelinta, isla markaana aan u hoggaansamin nidaamka loo dejiyay, lala tiigsan doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan shuruucda dalka.

Hadalkan ayuu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ka jeediyay isagoo ay barbar taagnaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin uu ka mid yahay Taliyaha Nabad-Sugidda Gobolka Banaadir, taaas oo muujinaysa muhiimadda hirgelinta nidaamkan cusub ee lagu xaqiijinayo amniga.

#Horumar #MustaqbalWanaagsan #Dhiirigelin #Somalia

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation