“Istaraatiijiyadda Difaaca Mareykanka 2026: Yurub Ha Isku Tashato, Ruushkuna Waa Khatar La Xakamayn Karo”
Wakaaladda wararka ee AP, ayaa soo bandhigay
warbixinno laga helay istaraatiijiyadda Difaaca Mareykanka ee 2026 oo si faahfaahsan loogu soo bandhigay in Ruushku uu weli yahay khatar ku wajahan dalalka bariga Yurub ee NATO, balse khatartaasi ay tahay mid la xakamayn karo. Wasaaradda Difaaca Mareykanka waxay sheegtay in ciidanka Mareykanka ay diyaar u yihiin inay ka difaacaan dhulka Mareykanka khatar kasta oo ka timaadda Ruushka.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Mareykanku sii wadi doono ka qaybqaadashadiisa NATO, balse uu dib u eegayo tirada iyo habka ay ciidamada Mareykanku uga joogaan Yurub. Tani waxay ujeeddadeedu tahay in dalalka Yurub ay qaataan door weyn oo ku saabsan difaacooda, wax u eg ; Yurub ha isku tashato, iyadoo la tixgelinayo awoodaha ay iyagu leeyihiin.
Sida ku xusan warbixinta, Ruushku ma hayo awood uu ku doonan karo inuu ka taliyo Yurub. Dalalka Yurub ee NATO ayaa Ruushka kaga horreeya dhinacyada dhaqaalaha, tirada dadka iyo awoodda militari. Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay in dhaqaalaha Jarmalka oo keliya uu ka weyn yahay kan Ruushka.
Istaraatijiyada difaaca Mareykanka , waxaa kaloo si aan qarsoodi lahayn lagu soo bandhigay in Mareykanka aysan qorshaha ugu jirin inuu ku fooganaado ilaainta Yurub, inkasta oo Mareykanku uu sii ahaan doono mid ku lug leh arrimaha amniga Yurub, haddana mudnaanta ugu weyn ee Mareykanka waxay ahaan doontaa difaaca gudaha Mareykanka iyo ka hortagga Shiinaha. Warbixintu waxay sheegtay in xulafada NATO ay si cad uga awood badan yihiin Ruushka.
Dalalka NATO waxay ballan qaadeen inay kordhinayaan kharashaadka difaaca, iyagoo gaarsiinaya ilaa 5% wax-soo-saarka guud ee dalalkooda. Qiyaastii 3.5% waxaa si toos ah loogu maalgelinayaa awoodaha militari. Taasi waxay ka dhigan tahay in dalalka Yurub ay qaadi karaan mas’uuliyadda ugu weyn ee difaaca Yurub, halka Mareykanku uu bixinayo taageero xaddidan oo muhiim ah. Istaraatijiyadan ayaa xataa muujisay Mareykanka inuu doonayo reer Yurub inay bixiyaan taageerrada Ukraine ee dagaalka ay kula jirto Ruushka.
#USDefense #USMilitary #Russia #NATO #EasternEurope #Security #DefenseStrategy #MilitaryReadiness #Geopolitics #APNews
Comments
Post a Comment