Madaxweynaha Soomaaliya oo Villa Soomaaliya ku Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socday Bangiga Adduunka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi sare oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Bariga Afrika qaarkood, Mr. Qimiao Fan.
Kulankan muhiimka ah waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Maamulaha Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka, Mr. Hideki Matsunaga.
Kulanka ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka. Waxaa si gaar ah loo falanqeeyay joogtaynta xasilloonida dhaqaalaha guud, dardar-gelinta maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta tamarta, iyo isku-xirka gobollada dalka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay hirgelinta Hindisaha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo fure u ah kobaca dhaqaale iyo horumar waara oo ay Soomaaliya gaarto.
Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay saaxiibada caalamiga ah ee ugu muhiimsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo door muuqda ka qaata maalgelinta mashaariic horumarineed oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.
#VillaSomalia #MadaxweynahaSoomaaliya #BangigaAdduunka #HorumarDhaqaale #IskaashiCaalamiAh #GeeskaAfrika #KaabeyaashaDhaqaalaha
Comments
Post a Comment