Madaxweyne Xasan ; “ Waa suragal inan awood uga hortagno aqoonsiga Somaliland.”
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraysi uu maanta siiyay telefishinka Al Arabiya , wuxuu ku sheegay inuu si adag uga digayo tallaabooyin uu sheegay inay la xiriiraan Somaliland, isaga oo ku tilmaamay khatar jiritaan (existential threat) oo ku wajahan qarannimada iyo amniga qaran ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu ku eedeeyay Israa’iil inay daba socoto ujeeddooyin istiraatiiji ah oo ay ka leedahay Somaliland.
Wuxuu sheegay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana aysan lahayn wax sharci ah oo ay dal madax-bannaan ku noqon karto.
“Waxa loogu yeero Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in dadaalladii lagu ilaalinayay midnimada dalka ee ku saleysnaa hab nabadeed ay wiiqmeen, kaddib tallaabooyin uu ku tilmaamay ku xadgudub sharciga caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hoggaanka Somaliland uusan lahayn sharciyad, isla markaana uu ku dhaqaaqayo tallaabooyin ka tarjumaya quus, isagoo ku dooday in mashruuca gooni-isu-taagga uu noqday mid aan shaqeyn karin (non-viable). Sida uu sheegay, fashilkaas ayaa horseeday go’aanno lagu doonayo aqoonsi caalami ah, qiimo kasta ha ku kacdee.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil inay leedahay saddex ujeeddo oo ku xiran Somaliland:
•In saldhig militari laga sameeyo meel u dhow Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas,
•In Somaliland lagu qanciyo qaabilaadda Falastiiniyiin barakacay.
•In Somaliland ku biirto heshiisyada Abraham.
Madaxweynuhu wuxuu si cad u diiday qorshe kasta oo ku lug leh barakicin qasab ah oo Falastiiniyiin ah, isaga oo sheegay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin arrintaas, xaalad kasta oo timaadda.
“Soomaaliya xuduud lama wadaagto Falastiin,” ayuu yiri, isaga oo xusay in barakicin noocaas ahi ay ka imaanayso siyaasad Israa’iil leedahay, halkii ay ka ahaan lahayd xaqiiqooyin goboleed. Isaga oo ku tilmaamay fikraddaas “riyada Israa’iil”, oo aan marna rumoobi doonin.
Madaxweynuhu waxa uu ka digay in xaaladdan ay tahay khatartii ugu weynayd ee Soomaaliya wajahdo sannadihii u dambeeyay, xitaa ka halis badan dagaalka muddada dheer ee argagixisada.
Inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in wada-hadalka uu yahay jidka ay Soomaaliya doorbidayso, haddana ma uusan meesha ka saarin adeegsiga awoodda, haddii amniga qaranka la halis geliyo, isagoo ku jawaabay “waa suurtagal” markii si toos ah loo weydiiyay.
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabo kasta oo loo baahan yahay si ay uga hortagto waxa uu ku tilmaamay faragelinta toos ah oo lagu hayo qarannimada dalka, isaga oo arrinta ku tilmaamay mid ka weyn siyaasad gudaha, kuna saabsan xasilloonida gobolka iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.
Comments
Post a Comment