Socdaalka Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Taageerada Caalamka ee Shuruudaysan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa markii ugu horreysay si cad u sharraxay halka ay ka timid taageerada ballaaran ee Mareykanka, Yurub, dalalka Carabta iyo dhinacyo kale ay u muujinayaan madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharac.
Hakan Fidan wuxuu sheegay in, kadib markii Bashaar al-Assad uu ka cararay Suuriya, ay dalalka gobolka kulammo ku yeesheen Cumaan iyo Masar, kulammadaas oo ay ka qeyb galeen ⅕wakiillo ka socday Yurub iyo Mareykanka. Halkaas ayaa lagu dejiyay shuruudo iyo filashooyin cad oo laga rabo dowlad kasta oo laga dhiso magaalada Dimishiq.
Wuxuu yiri:
“Waxaan u sheegnay Axmed al-Sharac in dalalka gobolka ay ka sugayaan arrimo cad. Haddii uu ballanqaadkaas fuliyo, dhammaan dhinacyadu way taageeri doonaan. Haddii uusan fulin, taageeradu way istaagi doontaa, dadkuna way ka soo horjeesan doonaan.”
Hakan Fidan wuxuu sheegay in Axmed al-Sharac uu arrintaas aqbalay, isla markaana waxqabadkiisa illaa hadda ay si buuxda ugu qanceen dhammaan dhinacyadii la hadlay.
Fiiro gaar ah;
Hadalka Hakan Fidan wuxuu si gaar ah ii xusuusiyay kulan ka dhacay Qolka Roosevelt ee Aqalka Cad, 17-kii Janaayo, sanadkii 2013.
Maalintaas, Aqalka Cad waxaa booqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee burburka kadib, kaas oo ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilligaasna hoggaaminayay dowladdii ugu horreysay ee aan ku-meel-gaar ahayn. Waxaa loo qorsheeyay inuu la kulmo La-taliyaha Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka ee Arrimaha Amniga Qaranka, Denis McDonough, balse si lama filaan ah ayaa Madaxweynihii Mareykanka ee waqtigaas, Barack Obama, u soo galay qolka.
Kadib salaan kooban, Obama wuxuu isla markiiba bilaabay inuu ka hadlo arrimo si qoto dheer ula xiriira Soomaaliya. Warbixintii uu Obama ka bixiyay xaaladda Soomaaliya waxay ahayd mid xitaa ka yaabisay faahfaahinta ku jirtay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigii la socday.
Xubin sare oo kulankaas goobjoog u ahaa ayaa sannado kadib ii sheegay in Obama uu yiri:
“I dhageyso, Madaxweyne Xasan. Aniga iyo xulafadayadu waxaan dooneynaa inaan Soomaaliya taageerno. Waxaan idinla shaqeyn doonaa horumarinta nabadda iyo amniga, hagaajinta maareynta dhaqaalaha, iyo ballaarinta adeegyada bulshada ee la gaarsiinayo shacabka.”
Kadib hadalkaas, Obama wuxuu soo bandhigay shuruudo cad oo lagu xiro taageerada buuxda ee Mareykanka. Shuruudahaas waxaa ka mid ahaa:
xasillinta caasimadda Muqdisho,
dib-u-habeynta hay’adaha dowladda,
iyo in nidaamka dowladnimadu noqdo mid daahfuran, caddaalad ah, kuna dhisan kalsoonida beesha caalamka.
Waxaa sidoo kale jiray arrimo kale oo xilligaas dowladda Soomaaliya aysan weli si buuxda ugu diyaar garoobin. Mid ka mid ah shuruudaha ugu xasaasisan wuxuu ahaa in dowladda Soomaaliya joojiso dhaleeceynta IGAD, oo waqtigaas ku howlaneyd dhismaha maamul-goboleedka Jubbaland. Inta uu socdo geeddi-socodkaas, Mareykanka wuxuu ballanqaaday inuu bixin doono dhammaan taageerada ay Soomaaliya u baahantahay.
Obama wuxuu intaas ku daray in haddii shuruudahaas la fuliyo, uu xitaa si shaqsi ah uga shaqeyn karo sidii dib loogu mideyn lahaa Muqdisho iyo Hargeysa. Isla maalintaas kulanka dhacay, Mareykanka wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday Dowladda Soomaaliya, taas oo dalka ka saartay marxaladdii ku-meel-gaarka.
Si kastaba, markii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisii ay ka soo laabteen Mareykanka, waxay u gudbeen Nairobi, halkaas oo ay ku qabteen shir jaraa’id. Intii uu socday shirkaas jaraa’id, isla markiiba waxaa la jebiyay qaar ka mid ah qodobadii uu doonayay Obama in la ilaaliyo, gaar ahaan in dowladda joojiso dhaleeceynta IGAD.
#Somalia
#SomaliPolitics
#HornOfAfrica
#InternationalRelations
#GlobalPolitics
#AfricanAffairs
#Diplomacy
#PeaceAndStability
#Governance
#WorldNews
Comments
Post a Comment