WAR-SAXAAFADEED:
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel Cilaan, oo qiyaastii 30 KM dhanka bari kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Howlgalkan ayaa lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan khawaarijta argagixisada, kuwaas oo dhibaato joogto ah ku hayay shacabka deegaanka, Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay shan dhagarqabe, halka sidoo kale gebi ahaanba la burburiyay fariisimihii ay halkaas ku lahaayeen.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan khatarta argagixisada, si loo badbaadiyo nolosha iyo hantida shacabka.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan in howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta guud ahaan dalka.
Comments
Post a Comment