Warbixin: Sida uu Caydaruus Al-Zubaydi Yemen uga baxsaday iyo safar sir ah oo uu ku tegay Imaaraadka

 


Warsaxaafadeed ka soo baxay isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo, oo ay baahiyeen Al Jazeera iyo Reuters ayaa lagu soo bandhigay qaabka uu Yemen uga baxsaday hoggaamiyaha golaha koonfurta Yemen (STC) ee Imaaraadka uu taageerro, Caydaruus Al-Zubaydi  , kaasoo la sheegay inuu  habeenkii Arbacada doon uu ka raacay Cadan ay geysay dekedda Berbera , halkaa oo diyaarad ka qaaday lagu geeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho— waqti uu ku sugnaa kaddib waxaa la sheegay in isaga iyo saraakiil Imaaraad ah laga dejiyay garoonka milatari ee Al-Reef oo ku yaalla magaalada Abu Dhabi ee caasimaadda Imaaraadka Carabta ,iyadoo inta lagu jiray duulimaadkan ay diyaaradda siday Caydaruus dansatay nidaamka la socodka diyaaradaha marka ay dulmaraysay Gacanka Cumaan, waxaana la shiday 10 daqiiqo kadib markii ay ka degaysay Abu Dhabi. 

Reuters, waxay sheegtay haddii la xaqiijiyo Caydaruus inuu ku suganyahay Abu Dhabi, inay ka caraysiinayso Sacuudiga oo horey ugu sheegay Imaaraadka inuu xakameeyo STC, kaddib dagaalladii ka dhacay Yemen oo sababay in koonfurta dalkaa laga saaro kooxdan ay muddo dheer taageerraysay Abu Dhabi. Illaa hadda Dawladda federaalka iyo Somaliland midkoodna kama falcelin wararkan.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation