Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo Kormeer Ku Tagay Mashaariicda Dowladda Puntland



 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wasiirka waxaa si diirran usoo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo Wasiirka uga warbixiyey hawlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa u kuur-gelidda hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qiimeynta heerka horumarineed ee mashaariicda socota, xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, iyo la socodka caqabadaha jira si xal waara loogu helo, loona dardargeliyo horumarinta adeegyada gaadiidka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS Maxamed Faarax Nuux ayaa ballanqaaday in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee JFS ay sii xoojin doonto taageerada farsamo iyo tan siyaasadeed ee ku aaddan horumarinta adeegyada gaadiidka, si loo xaqiijiyo gaadiid hufan, ammaan ah, isla markaana u adeegaya bulshada.

#Somalia #Puntland #Transport #InfrastructureDevelopment #PublicWorks #GovernmentCollaboration

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation