3 qodob oo hortaala madaxweyne Xassan?
3 qodob oo hortaala madaxweyne Xassan?
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu maanta taagan yahay isgoys siyaasadeed oo cariiri ah. Mudo xileedku waa dhamaad, cabashooyinka dhul-boobka iyo kalsooni-darro bulsho way sareeyaan, halka madaxda dawlad gobaleedyada mudo dhaafka ah ay ku noqdeen cadaadis toos h. Isla markaas, beesha caalamka waxay dalbanaysaa jihayn cad, doorasho la isku halayn karo, iyo xasilooni siyaasi ah.
Golaha Mustaqbalku, waxay kala doodayaan doorasho heshiis lagu yahay & Dibu laabasho Dastuurkii asalka ahaa, taas oo cida hadda qasban ay noqonayso madaxweyne Xassan Sheikh oo sadexdii sanno & kalkooskii lasoo dhaafay soo tamashleeyey.
Xassan wuxuu wajahayaa saddex doorasho, oo hadba tii uu qaato khatar/faa`iido leedahay.
1. Is-maareyn iyo iska dejin xiisadaha (siyaasad degan, laheshiin mucaaradkiisa ah),
2. Isku dhejin xoog ah oo sii fogeyn karta kalsoonida (Abuuri karta amni darro la arkay)
3. Ama dib-u-habayn degdeg ah oo badbaadin karta sumcadiisa.
MW Xassan Sheikh ma u baahna hadal tiro beel ah, wuxuu u baahan yahay is-maareyn. Mudo dhaaf kasta oo dawlad gobaleedyada safkiisa ah ayaana ku noqonaya wax uusan maareyn karin.
Comments
Post a Comment