DFS oo Faahfaahin Ka Bixisay Shirkii Golaha Mustaqbalka iyo Qodobadii Lagu Heshiiyay

 



Dawladda Federaalka oo markii 1-aad ka hadashay shirkii ay wada yeesheen dhankeeda iyo Golaha Mustaqbalka ayaa sheegtay in 3 qodob heshiis lagu ahaa, kuwaas oo ah intii aan tabinay is aragii 1-aadba.

1. In la sameeyo guddi ka soo talo bixiya arrimaha doorashada Heer federaalka.

2. In la qabto doorashooyinka Dowlad-goboleedyada.

3. In bisha Abriil 2026 la qabto kulanka labaad ee gogosha si loo sii ambaqaado hanaanka doorashada federaalka ah.

Isla qoraalka dawladda Federaalka ayaa lagu sheegay in golaha mustaqbalka keenen dood ah in ay door kuyeeshaan hanaanka Doorashada DG ku dhacayso, waxaana muuqata in dawladdu bilowgii ogolaatay in DG doorasho lagasho laakiin nooca laysku diiday.

“Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Golaha Mustagbalku ay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka Dowlad-goboleedyada kale, taas oo ah arrin si cad uga hor imanaysa mabaadi'da ku xusan Dastuurka Dalka”ayaa lagu yiri warka DFS.

Dawladdu waxay inkirtay dooda Dastuurka oo dhan in laga hadlay, taas oo looga durkay sabab laxariirta in DG safkeeda kujira aan la didin.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation