Madaxweynaha Galmudug oo Daah-furay Mashruuca Waddada Laamiga ah ee Isku Xireysa Dhuusamareeb iyo Qaradhi (60KM)
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay munaasabadda daah-furka mashruuca dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, iyo deegaanka Qaradhi. Waddadan oo dhererkeedu gaarayo 60-KM ayaa ah mid si weyn muhiim ugu ah horumarinta isku socodka iyo isku xirka deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dheer oo uu ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay xukuumadda Galmudug horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha waddooyinka, kuwaas oo uu ku tilmaamay laf-dhabarka nolosha bulshada, isku socodka, iyo kobaca ganacsiga. Waxa uu xusay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono fududeynta safarka, dhimista caqabadaha gaadiidka, iyo sare u qaadista fursadaha dhaqaale ee ka dhalan kara isu socodka ganacsi iyo adeegyo bulsho.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in waddadan ay gacan ka geysan doonto xoojinta isku xirka magaalooyinka iyo deegaanada miyiga, isla markaana ay horseedi doonto horumar waara oo taabanaya nolosha dadka ku nool gobolka, gaar ahaan ganacsatada, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ku tiirsan
Comments
Post a Comment