MAXAA KA SOCDA MUQDISHO?
Majiraan wali Tanaasulaad ka yimi dhinacyada oo ku aadan goobta wada hadalka & goortaba labadaba, ilo wareedyo ayaa sheegaya in haddii aan maanta ilaa berri kama dambeys aan la gaarin waqtiga shirka iyo goobtaba dibu dhac hadda jira mid kasii badan la filanayo, bilashada bisha Barakeysan awgeedna Soon-fur lagaari karro (Haddii aan 48saac heshiis la helin).
Golaha Mustaqbalku, waxay sugayaan in madaxweyne Xassan Sheikh soo laabto, oo wada hadal dhab u hadal ah la aado, laakiin Villa Somalia xubno ka mid ah waxay sheegayaan in aysan sidaas ugu badin, haddii aan tooda layeeleyn ah in kulanka ka dhaco Aqalka madaxweynaha.
Warar aan la xaqiijin oo wali hal dhinac ah ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan Sheikh oo Addis Ababa kasoo duulay, uu doonayo in uu tago halka ay degan yihiin madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo uu salaan ugu tago, laakiin dhinaca 2da maamul xaqiijinayaan warkaas.
Wakiilada caalamiga ah, maanta ilaa Arbacada ayaay wararku sheegayaan in ay wadi doonaan la hadalka dhinacyada Soomaalida oo ay u sheegi doonaan in ay ka heshiiyaan is faham-waaga dhexdooda ee doorashada iyo hanaanka dalka.
Xataa haddii la kulmo natiijada in doorasho laga heshiiyo ah ayaa ka hooseysa 30%, sida ay qabaan labada dhinac ee kulmayaaba koox kasta teeda ayay ku adkeysanaysaa.
Comments
Post a Comment