Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Xarigga ka Jaray Waddo Casri ah oo laga Hirgeliyey Degmada Wadajir
Muqdisho, Talaado, 03 Feebraayo 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay ku dhowaad 2km, taas oo laga hirgeliyey degmada Wadajir, gaar ahaan deegaanka Buulo-Xuubey.
Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee Xukuumadda DanQaran ay ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho, si loo helo waddooyin tayo leh oo u adeegaya baahiyaha shacabka.
Ra’iisul Wasaaruhu ayaa xusay in waddadan uu horey u dhagax-dhigay 4-tii Nofeembar 2025, islamarkaana lagu hirgeliyey muddo 3 bilood gudahood, taas oo muujinaysa hufnaanta, kartida iyo dadaalka lagu bixinayo horumarinta kaabayaasha waddooyinka. Waddadan ayaa loo dhisay si casri ah, iyadoo leh tayo sare iyo naqshad waarta, si ay muddo dheer ugu adeegto bulshada.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda ay tahay tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha, fududeynta isku socodka bulshada, qurxinta bilicda magaalada iyo xoojinta amniga. Waxa uu tilmaamay in waddadan cusub ay door weyn ka qaadan doonto isbeddelka muuqaalka iyo horumarka degmada Wadajir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in 10 sano ka hor aan la filayn in xaafaddan ay gaarto heerkan horumarineed, balse dadaal wadajir ah oo u dhexeeya Xukuumadda DanQaran, Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka deegaanka ay suuragelisay in Muqdisho maanta ka mid noqoto caasimadaha sida xawliga ah u kobcaya ee caalamka. Waxa uu uga mahadceliyey maamulka Gobolka Banaadir doorka muuqda ee ay ku leeyihiin horumarinta caasimadda.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanka in ay ilaashadaan amniga, bilicda iyo quruxda waddooyinka, isla markaana ay dhowraan hantida danta guud, si aan dib loogu celin magacii iyo sumcaddii Muqdisho ay dib u hanatay. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey in dhirayn iyo cagaarin lagu daro dhismaha waddooyinka, si loo helo magaalo qurux badan oo casri ah.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyey in Xukuumadda DanQaran ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic waaweyn oo horumarineed, kuwaas oo wax ka beddelaya nolosha shacabka, isla markaana xoojinaya kaalinta Muqdisho ee ah caasimad casri ah oo u adeegta muwaadiniinteeda.
Comments
Post a Comment