Sanbaloolshe: Siyaasi Mar Kale Soo Ifbaxay Xilli Doorasho Lagu Jiro





Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) waa siyaasi muddo dheer ku jiray masraxa siyaasadda Soomaaliya. Saddex jeer ayuu soo noqday Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), sidoo kale saddex jeer ayuu noqday mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, isaga oo metelayay kursiga beeshiisa. Intaa waxaa dheer, Sanbaloolshe wuxuu soo noqday diblumaasi Soomaaliya u jooga Boqortooyada Midowday (UK).
Sanbaloolshe waxaa lagu yaqaannaa hadal adag iyo go’aan cad; cidda uu la jiro mar walba gadaal ugama dhaco. Maalmihii u dambeeyey, dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ayaa si weyn u kordhay, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee laga doodayo doorashada dalka iyo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Ka-soo muuqashadiisii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, xilligii la soo dhaweynayey madaxda Puntland, iyo sidoo kale kulankii Axmed & Deni ee isla garoonka, ayaa loo arkay fariimo siyaasadeed oo qoto dheer xambaarsan. Sanbaloolshe wuxuu ka mid ahaa xubno xildhibaano ah oo saami-qeybsi siyaasadeed la wadaaga Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo muujinaysay “casharro siyaasadeed” aan si toos ah loo shaacin balse si hoose loo fahmay.
Inkasta oo uusan haatan haynin xil dowladeed oo fulineed, haddana su’aasha taagan ayaa ah:
ma Sanbaloolshe ayaa kaalin muuqata ka qaadanaya kulamada adag ee lagu jihaynayo hanaanka doorashada dalka?
Dhaqdhaqaaqiisa iyo joogitaankiisa meelaha muhiimka ah waxay muujinayaan in weli uu yahay xaliif siyaasadeed oo saameyn leh, kana mid ah dadka aan laga indha tiri karin marxaladdan kala guurka ah.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation