🔴 #UPDATE: Khilaafka Baydhabo oo saameeyay kulanka Golaha Wasiirrada Federaalka



 Kulankii maanta ee Golaha Wasiirrada Federaalka ayaa si weyn u hareeyay iska horimaadyadii shalay iyo saakay ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo dood culus ay dhex martay xubno ka tirsan golaha oo labo dhinac u kala janjeeray.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa fadhiga ka sheegay in Baydhabo lagu qaaday weerar ka dhan ah ciidanka dowladda, isla markaana la hortaagan yahay hanaan doorasho oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo. Waxa uu ku tilmaamay habkaasi mid aan sharci ahayn, isaga oo ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed in ay gabood-fallo ka geysteen ciidanka Xoogga Dalka.

Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiru Dowlaha Qorsheynta DFS—kuwaas oo taageersan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen—ayaa difaacay tallaabooyinka la qaaday. Waxay sheegeen in iska horimaadyadu ka dhasheen howlgallo looga hortagay kooxo jidgooyooyin dhigtay oo halis ku ahaa amniga.

Mukhtaar Roobow, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay is dajiyaan, isla markaana khilaafka lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay in dowladda federaalku ka shaqeyn doonto xalinta xaaladda Baydhabo, isaga oo muujiyay in xukuumaddu dhexdhexaad ka tahay dhacdadan, lana raadinayo xal nabadeed oo waara.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation