Cambaarayn Xarigga Sacdiyo Macallin Cali
Waxaan si adag u cambaaraynayaa xarigga loo geystay Sacdiyo Macallin Cali, darawalad Bajaaj ah oo ka mid ahayd dibadbaxayashii ka cabanayey culaysyada lagu hayo bahda Bajaajleeyda.
Sacdiyo ma aha oo kaliya wade Bajaaj; waa gabar labo shahaado jaamacadeed leh, shaqo ku waysay, balse sida dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed waxay ka shaqeysay kaxaynta Bajaajta si ay nafteeda iyo tan qoyskeeda u maareyso.
Hoggaaminteeda dibadbaxa waxay muujinaysaa geesinimo, masuuliyad muwaadinnimo, iyo ruux xuquuq u doodis ah.
Xarigga gabar dhallinyaro ah oo kaliya abaabulaysay dibadbax nabadeed wuxuu dirayaa farriin walaac leh oo ku saabsan heerka xorriyadaha muwaadiniinta iyo xaqa ay u leeyihiin in ay cabashadooda muujiyaan. Abaabulka iyo ka qaybqaadashada dibadbaxa nabadeed ma aha dembi, balse waxaa dambi gelaya kuwa ku tumanaya xaqa dastuurku damaanad qaaday.
Xilli dhallinyarada Soomaaliyeed ay horey u wajahayeen shaqo la’aan, duruufo dhaqaale oo adag, iyo fursado sii yaraanaya, jawaabta hay’adaha dowladdu waa in ay noqotaa wada hadal iyo wax ka qabasho, ee ma aha cabsi gelin iyo xarig.
Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha nabadgelyada in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan Sacdiyo, lana ixtiraamo xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadinka.
Waxaa muuqata in dowladdu ay cabsi ka qabto abaabulka dhallinyarada iyo cod midaysan oo xuquuqdooda ku dalbada, balse caburinta iyo aamusinta codkooda xal ma aha; dhagaysiga tabashada iyo ka qaybgelinta talada ayaa ah xal waara.
Comments
Post a Comment