Ciidamada Qaranka oo Lagu Afuray Duleedka Dhanaane, Mahad Salaad oo U Mahadceliyay Dadaalkooda



 Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa galabta Ciidamada Amniga kula afuray duleedka deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo uga mahadceliyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo iyaga oo sooman haddana habeen iyo maalin u taagnaa xoreynta dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee qaranka. Mahad Salaad ayaa xusay in heegankooda joogtada ah uu suurageliyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si deggenaan iyo kalsooni leh u gutaan cibaadooyinkooda.

Sidoo kale, Agaasime Mahad Salaad wuxuu caddeeyey in ciidamada qaranku yihiin tiirka lagu ilaaliyo jiritaanka iyo sharafta qaranka, isla markaana ay mudan yihiin qadarin iyo garab istaag joogto ah, si loo sii xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Kulankan afurka ayaa waxaa kala qeyb galay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraalka Sahal Cabudllahi Cumar, iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada NISA, Booliska, iyo Boolis-Militeri, kuwaas oo taageero buuxda u muujiyay dadaalka lagu sugayo amniga caasimadda iyo deegaanada ku xeeran.

#NISA #Haramcad #HiilkaShacabka #SomaliaSecurity #CommunitySafety

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation