Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami Ah Iyo Xeer-Nidaamiyeyaal Muhiim Ah

 


Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyaga oo ka wada hadlay amniga dalka, gurmadka abaaraha, hawlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada Xoogga Dalka, iyo warbixinno ku saabsan casriyeynta nidaamka dowladnimada iyo dardargalinta adeegyada dowladda.

Kulanka, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiisyo caalami ah iyo xeer-nidaamiyeyaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

Ka dhaafista dal-ku-galka Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Heshiis caafimaad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

Habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika.

Fududeynta Socdaalka Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda (Fal 1965).

Wadatashiyo siyaasadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Isbaaniya.

Dhaqangalinta dammaanadaha heshiiska ka hortagga faafitaanka hubka niyuukleerka oo lala galay hey’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka.

Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka Ganacsiga sharci-darrada ah ee Daawooyinka Maanka saameeya, 1988.

Siyaasadda Maareynta wax-qabadka mideysan ee hay’adaha dowladda.

Xeer-nidaamiyaha Hay’adda Daryeelka Agoonta, Naafada, iyo Hawlgabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey darajada safiirrinimo ee Mudane Aadan Isaaq Cali iyo Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdimannaan.

Kulankan ayaa muujinaya sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka caalamiga ah, horumarinta adeegyada bulshada, iyo sugidda amniga gudaha.

#Somalia #FederalGovernment #InternationalRelations

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu diyaarinaya safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Laascaanood

Buurhakaba: Taariikh Digniin ah iyo Casharro Laga Baran Karo

Sweden’s Defence Minister Visits Somalia to Strengthen Bilateral Security Cooperation