Madaxweynaha Soomaaliya oo Abaal-marinno Guddoonsiiyey Ku-guuleystayaashii Tartanka Quraanka Kariimka ee Ramadaan
Hassan Sheikh Mohamud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xiray tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, isagoo abaal-marinno lacageed guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartanka sanadkan.
Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey dhammaan ardaydii ka qayb-gashay tartanka, gaar ahaan kuwii ku guuleystay kaalmaha hore. Wuxuu tilmaamay in ay yihiin laf-dhabarta mustaqbalka wanaagsan ee dalka, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan barashada, xifdinta iyo faafinta Quraanka Kariimka ah.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muuqda ka siisay culimada Soomaaliyeed geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka dalka. Tallaabadan ayuu sheegay in looga gol leeyahay in la hubiyo in Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si buuxda ula jaanqaadayo shareecada Islaamka oo ah aas-aaska ugu weyn ee nidaamka dowladeed ee dalka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa abaal-marinno lacageed guddoonsiiyey xufaadda kaalmaha hore galay tartanka, isaga oo ku ammaanay waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey ardaydan guusha gaartay. Wuxuu Alle uga baryey in uu ku anfaco cilmigooda, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwo dalkooda iyo diintooda si wanaagsan ugu adeega.
Comments
Post a Comment