Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Si Rasmi Ah Xilka ula Wareegay
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub, S/gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud).
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday xarunta taliska Ciidanka Asluubta, gaar ahaan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyadoo taliyaha cusub uu si rasmi ah ula wareegay xilka. Xilka waxaa ku wareejiyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta, General Cilmi Waasuge Colow, oo wakiil ka ahaa taliyihii hore.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, xildhibaanno, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, iyo marti sharaf kale. Mas’uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyay taliyaha cusub, iyagoo uga mahadceliyay taliyihii hore shaqadii uu qabtay intii uu xilka hayay.
Taliyaha cusub, S/gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud), ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dib-u-habeyn iyo horumar guud si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.
Ciidanka Asluubta ayaa lagu bogaadinayaa inay ka shaqeeyaan horumarinta nidaamka cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista, iyadoo xilka taliyaha cusub uu astaan u yahay dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta iyo waxtarka ciidanka.
Comments
Post a Comment